Home / Somali News / Faah faahino kasoo baxaya dil haweeney ganacsato aheyd Muqdisho loogu geestay

Faah faahino kasoo baxaya dil haweeney ganacsato aheyd Muqdisho loogu geestay

Kooxo hubeesan ayaa xalay fiidkii xaafada Towfiiq ee degmada Yaqshiid waxa ay ku dileen Haweeney dadka deegaanka kamid aheyd halkaasna ku laheyd Maqaasiin lagu iibiyo dhuxusha.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dabley biskoolado ku hubeesnaa ay toogteen haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Dahabo Xuseen, waxaana dilka kadib goobta ka baxsaday ragii toogashadaasi ka dambeeyay.

Ciidamada amaanka ayaana markii dambe soo gaaray goobta dilku uu ka dhacay, mana jiro ilaa hada cid ciidamada amaanka usoo qabteen dilka loo geestay Haweeneydan kamid aheyd dadka deegaanka Yaqshiid.

Dilalka loo geesto haweenka ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxa uuna dilka xalay loo geestay Dahabo Xuseen ka dhigayaa gabadhii labaad oo mudo isbuuc gudaheed lagu dilo magaalada Muqdisho.

Inta badan ma jirto cid sheegata ama ka hadasha dilalka loo geesto Haweenka ee ka dhaca magaalada Muqdisho, lamana oga sababaha dhalinaya in rag hubeesan dilaan hooyooyin Soomaaliyeed oo nolosha caruurtooda dagaal kula jira.

Check Also

Mudaharaad Mugabe lagaga soo horjeedo oo Harare ka socda

Tobanaan kun oo qof ayaa iskugu soo baxay magaalo madaxda Zimbabwe ee Harare kuwaas oo …