Home / Somali News / AKHRISO: Magacyada 8 – Musharax oo kasoo jeeda hal beel oo ku tartamaya Madaxweynaha Hirshabelle

AKHRISO: Magacyada 8 – Musharax oo kasoo jeeda hal beel oo ku tartamaya Madaxweynaha Hirshabelle

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ka bilaabanaya dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Hirshabelle u jeedin doonaan Xildhibaanada maamulkaasi.

Musharaxiinta ayaa u jeedin doona Baarlamaanka Hirshabelle qorshahooda Siyaasadeed , Taariikhdooda iyo waxa ay qaban doonaan hadii la doorto, waxa uuna Musharax kasta soo jeedin doonaa Barnaamijkiisa Siyaasadeed.

Doorashada dhaceysa 16-ka bishan Waxaa xilka Madaxweynaha Hirshabelle isku soo sharaxay lana siiyay Shahaadooyinka Aqoonsiga ilaa 8-Musharax oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan gaar ahaan Beesha Xawaadle oo horey loogu qoondeeyay kursigan.

Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Hirshabelle ayaa qaarkood waxaa kala wata Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale jira Musharaxiin kale oo dalka dibadiisa laga keenay ayna gadaal ka riixayaan Siyaasiyiin iyo Ganacsato caan ah.

Halkan ka AKhriso Magacyada Musharxiinta u taagan Madaxweynaha Hirshabelle

Maxamed Cabdi Waare.
Cabdi Faarax Laqanyo.
Maxamed Caruush Diirow
Cabdiraxmaan Xuseen Caddow
Cabdikariin Cali Nuur.
Daahir Cabdulle
Yuusuf Maxamuud Hagar (Dabdageed).
Cabdinaasir Shirwac Maxamed.

Check Also

Mudaharaad Mugabe lagaga soo horjeedo oo Harare ka socda

Tobanaan kun oo qof ayaa iskugu soo baxay magaalo madaxda Zimbabwe ee Harare kuwaas oo …